Home Falanqeynta Kulamada Pep Guardiola oo Xaqiijiyay Saddexda laacib ee ka Maqan Manchester City Kulanka...

Pep Guardiola oo Xaqiijiyay Saddexda laacib ee ka Maqan Manchester City Kulanka Tottenham Hotspur

0
Photo/Reuters

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhaweyn doonta Tottenham Hotspur fiidnimada Sabtida, laakiin yaa ka maqan yaase diyaar u ah kooxda Pep Guardiola?

Isagoo ka hadlaya shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka labada Koox, Guardiola ayaa soo gudbiyay warbixin ku saabsan saddexda xiddig wuxuuna shaaca ka qaaday in Sergio Aguero la heli karo.
“Rodri tababar wanaagsan ayuu qaatay maanta, waxaana qabaa inuu diyaar noqon doono berri,” ayuu yiri Guardiola. “Ruben wuxuu ku soo laabtay tababarka maanta, Sergio. wuxuu nala qaatay tababarkiisii ​​labaad.

Marka laga reebo Fernandinho, Nathan iyo Kevin, waxaan qabaa in kooxda inteeda kale la heli karo. ”

Fernandinho ayaa ku biiraya laba xidig ee dhaawac muddo dheer ah ku maqan kuwaas oo aan ka soo muuqan doonin kulanka Lilywhites.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here