“Waxaan rabay inaan isku waxyeeleeyo”: Pep Guardiola oo shaaca ka qaaday sababta uu wejigiisa uga muuqdo nabarrada kadib barbarihii City iyo Feyenoord.
Manchester City ayaa lumisay hogaanka saddex gool oo ay ku haysay 14-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay qeybtii labaad ee ciyaarta Champions League ee ay barbaro 3-3 ah la galeen Feyenoord, taasoo ka dhacday garoonka Etihad.
Tababaraha City ee Pep Guardiola oo murugo ka muuqato ayaa shaaca ka qaaday sababta wejigiisa iyo sankiisa ay uga muuqdeen nabarrada intii lagu guda jiray ciyaarta. Markii wax laga weydiiyay nabarradaas, Guardiola ayaa yiri: “Haa, waa farahayga. Cidiyaha. Waxaan rabay inaan isku waxyeeleeyo.”
City waxay u muuqdeen inay soo afjareen qaab ciyaareedkoodii liitay, iyadoo Erling Haaland iyo Ilkay Gundogan ay saddex gool dhaliyeen sagaal daqiiqo gudahood. Kooxdu waxay kulanka ciyaareysay iyagoo soo gaartay shan guuldarro oo xiriir ah markii ugu horreysay tan iyo 2006.