Peter oo heshiis cusub u saxiixay Real Madrid

Real Madrid ayaa heshiis cusub ka saxiixday weeraryahankeeda da’da yar ee Peter Gonzalez .

Xiddigan xiisaha badan ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub ilaa 2025 kaas oo haatan lagu bur-burin karo lacag dhan 50 milyan oo euro.

Maamulka Real Madrid ayaa qorsheynaya inay Peter ku sii hayaan xilli ciyaareedka cusub, iyadoo da’yarka uu u ciyaari doono kooxda Raul ee Castilla.

Xidigan ayaa laga xiiseenayaa Holland iyo Jarmalka. Laakiin sidoo kale Spain, halkaas oo Getafe , Rayo Vallecano iyo Real Valladolid ay ka dhawaajiyeen xiisahooda.

Si kastaba ha ahaatee, AS ayaa sheegaysa in Real ay ku adkeysaneyso in Peter uu sii joogo xilli ciyaareedkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*