Home Warka Xiisaha Leh Peter Schmeichel oo weerar ku qaaday difaaca Red Devils ee Lisandro Martinez

Peter Schmeichel oo weerar ku qaaday difaaca Red Devils ee Lisandro Martinez

0

Halyeygii Manchester United ee Peter Schmeichel ayaa weerar ku qaaday difaaca Red Devils ee Lisandro Martinez oo uu ku eedeeyey inuu isku dayayo ‘in uu iska dhigo halyey’ iyadoo kooxdiisu murugaysan oo ku jirta xaalad adag, kaddib guul-darradii qadhaadhayd ee ay kala kulmeen Brighton.

United ayaa guul-darradii saddexaad ay soo gaadhay shan ciyaarood oo la dheelay horyaalka Premier League, waxaana shalay 3-1 ku dubatay Brighton, iyadoo goolashana ay qaybsadeen Danny Welbeck, Pascal Gross iyo Joao Pedro, halka goolka madiga ah ee Manchester United uu dhaliyey Hannibal Mejbri.

Jamaahiirta kooxda ayaa ku ooriyey tababare Erik ten Hag markii uu beddelay Rasmus Hojlund ee uu keenay Anthony Martial, taas oo sii kordhisay xaaladda adag ee ay kooxdu ku jirto.

Goolhayihii ugu fiicnaa taariikhda Manchester United ee Peter Schmeichel, ayaa waxa ciyaarta kaddib uu su’aal geliyey dedaalka Lisandro Martinez ee iska-yeel-yeelka ah, waxaanu tilmaamay in uu isagu ahaa ciyaartoyga booskiisa ka tegayay ee sababta u ahaa goolasha.

Previous articleWaa kuwan liiska 20ka ciyaartoy ee uu Mikel Arteta kala hortegayo Everton ee Maantay
Next articleAlexis Mac Allister oo magacaabay ciyaartoyga ugu xoogga weyn ee kooxdiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here