Phil Foden oo ka carooday Sawir lasoo dhigay Bogiisa Twitterka Amar la’an

Phil Foden ayaa la sheegay inuu ‘carooday’ ka dib markii shirkadda maamusha boggiisa xiriirka bulshada ay u muuqatay inay u yeertay weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ka dib guushii weyneyd ee ay Manchester City ka gaartay Borussia Dortmund .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa mar kale ku jiray qaab ciyaareed fiican habeenkii Arbacada, isagoo isku muujiyay gooldhalinta kulankii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Bundesliga iyadoo The Citizens ay xaqiijisatay booskeeda semi-finalka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2015/16.

Waxay ahayd waxqabad dhan walba ah oo cajiib ah oo ka yimid hogaamiyaasha Premier League , iyadoo Foden uu hogaaminayo qaab ciyaareed kale oo cajiib ah. Laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in 20 jirkaan khadka dhexe uusan aad ula dhacsaneyn ciyaarta ka dib.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu Foden ku calaamadeeyay koontada Kylian Mbappe ka hor inta uusan dhihin: “Diyaar ma u tahay” – qoraal kooban oo ay ku heleen kumanaan retweets iyo jeclaan ah waqti yar gudahood, in kasta oo ay u muuqato in isaga iyo wakiiladiisu aysan ahayn kuwa ku faraxsan qoraalka

Boostada ayaa ugu dambeyntii la tirtiray ka hor inta uusan weriyaha Manchester City Sam Lee ka caddeyn dhacdada.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*