Philippe Coutinho oo go’an Cusub ka Qaatay ka tagiska Kooxda Barcelona

Photo/Reuters

Philippe Coutinho ayaa lagu xamanayay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu isaga tago kooxda Barcelona inta lagu guda jiro suuqa January.

29-sano jirkaan ayaa si joogta ah uga soo muuqday kooxda koowaad xilli ciyaareedkan, isagoo afar kulan kusoo bilowday iyo todobo bedel ku soo galay horyaalka La Liga iyo Champions League.

Sida laga soo xigtay Sport , Coutinho ayaa qaatay go’aan uu ugu dagaallamo booskiisa isagoo ka hoos ciyaaraya tababaraha cusub ee Xavi .

Warbixinta ayaa sheegeysa in Barcelona ay door bideyso inay iska darto ciyaaryahanka, haddii ay ahaan laheyd mid ku meel gaar ah ama mid joogto ah.

Coutinho, oo heshiiskiisa Camp Nou gaarayo 2023, ayaa lala xiriiriyay kooxo badan oo Premier League ah, oo ay ku jiraan kooxdii hore ee Liverpool iyo Newcastle United .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*