Home Warar Ciyaaraha Maanta Pienaar wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu adag ee aan...

Pienaar wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu adag ee aan waligey la kulmo.

0

Phil Bardsley oo si weyn loogu yaqaanay Manchester United iyo Sunderland, wuxuu saftay 303 kulan oo Premier League ah, isagoo dhaliyay toddobo gool.

39 jirkaan wuxuu muddo gaaban ku qaatay kooxda Stockport, waxayna ahayd naadigii sagaalaad uguna dambeeyay xirfadiisa ciyaareed, haatan waa caawiyaha tababaraha kooxda Macclesfield F.C oo ka dhisan Magaalada Cheshire ee Galbeedka England.

Si kastaba ha ahaatee, daafacii hore ee midig ayaa ka hadlay dagaaladiisa ka dhanka ahaa, ee uu la galay qaar ka mid ah raggii ugu caansan kubada cagta.

In kasta oo ay jiraan dagaalo adag oo ay la galeen xiddiga shanta jeer ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo iyo halyayga kooxda Chelsea ee Eden Hazard, haddana waxa uu sheegay Bardsley in kii ugu adka ee uu wajaho uu ahaa xidigii garabka ugu ciyaarayay Everton kaas oo dhibka ugu badan u gaysan jiray.

Isagoo ka hadlayay is bedelka habka kubada cagta iyo qaabka ciyaareedka, ayaa wuxu yiri

“Sida iska cad ciyaarta ayaa isbedeshay, qaab ciyaareedkiina wuu isbedelay, sida caadiga ah, markii ugu horeysay ee aan bilaabay inaan ciyaaro laga yaabee kala bar xirfadeyda, waxaan ka hortagay garabka bidix aad u halista badan.

“Labadii Everton ee Steven Pienaar iyo Leighton Baines boosaskoodu cajiib ayuu ahaa.

” Pienaar wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu adag ee aan waligey la kulmo.

Wuxu kuu diraya meelo khaldan. Wuxuu ahaa, sida, No.10 oo bidixda ka ciyaaraya.

“Runtii waxaan u xiisay hardankii iyo dagaalkii hore ee garabka bidix.

Pienaar ayaa kaliya Everton 2 milyan oo ginni kaga soo iibsatay Borussia Dortmund sanadkii 2008dii, kadibna waxa uu ugu biiray Tottenham lacag la mid ah.

Bardsley ayaa sidoo kale qirtay inuu ku faraxsan yahay inuu naftiisa tijaabiyo oo uu ka hortago ciyaaryahankii ugu fiicna Premier League oo uu ku jiro saaxiibkiisii ​​hore ee United Ronaldo.

Markii la weydiiyay inuu weligii dareemay inuu ka fiicnaaday Portuguese-ka, Bardsley ayaa ku jawaabay:

“Malaha maya laakiin mar walba wuu ka warqabay inaan halkaas joogo oo aan isaga ka hor imanayo.

“Waxaan mar walba aaminsanaa inaan si fiican ula ciyaaray ciyaartoyda fiican.

Ma dhahayo waan badinay kulamadaas laakiin waxaan mar walba dareemayay inan dhibayay iyaga.

Intii uu ku sugnaa Premier League, Ronaldo waxa uu sii xoojiyay booskiisa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, waxaana uu 80 milyan ginni ugu wareegay Real Madrid 2009kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here