Piers Morgan oo beeniyay in Cristiano Ronaldo uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Saudi Arabia

Piers Morgan ayaa beeniyay wararka sheegaya in Cristiano Ronaldo uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Al-Nassr ee dalka Sacuudiga.

Manchester United ayaa si wadajir ah u joojisay qandaraaska Ronaldo ka dib wareysigii uu siiyay Piers Morgan ee Talk TV.

Iyadoo 37 jirkaan uu raadinayo koox cusub, warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegtay inuu ku dhow yahay inuu ogolaado heshiis ku kacaya 173 milyan ginni si uu ugu biiro Al-Nassr.

Si kastaba ha ahaatee, wararkaas waxaa beeniyay Morgan, kaasoo baraha bulshada si fudud ugu qoray “Maya kuma dhawa” isagoo ka jawaabaya maqaal muujinaya in Ronaldo uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Sacuudi Carabiya.

Lama oga in weriyaha talefishinku uu xiriir la sameeyay Ronaldo oo ku saabsan wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Sporting Lisbon iyo Chelsea, inkastoo uu haatan diirada saarayo Koobka Adduunka 2022.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*