Pirlo oo weerar ku qaaday habdhaqanka ciyaartoyda Juventus ka dib guuldaradii gurigooda ee ka soo gaartay Fiorentina.

Kadib guul daradii qaraareed ee xalay soo gaartay kooxda juventus oo ay kala kulmeen kooxda Fiorentina ciyaar ka dhacday garoonka Alianz Stadium oo ku idlaatay 3:0

Markii ay soo idlaatay ciyaartii waxaa  warbaahinta la hadlay tababaraha kooxda Andre Pirlo ayaa qirtay in kooxdiisu aysan diirada saareynin ciyaarta, taasoo loo rogay kaarka casaanka xilli hore Juan Cuadrado Andrea Pirlo ayaa diiday inuu eedeeyo casaankii Juan Cuadrado ee guuldaradii culus ee gurigiisa ka soo gaadhay Fiorentina wuxuuna taas badalkeeda su’aal ka keenay habdhaqanka ciyaartoydiisa ee ciyaarta u soo galay.

Juve ayaa la kulantay guuldaradoodii ugu horeysay ee Serie A intii uu hogaaminayay Pirlo kulankiisii ​​13aad ee horyaalka, iyagoo hoos ugu dhacay kaalinta 4 aad Cuadrado ayaa qabtay Gaetano Castrovilli oo dhalaalaya waxaana la siiyay kaarka casaanka kulankiisii ​​200aad ee kooxda reer Turin –  ciyaarta oo mareysa kaliya 18 daqiiqo.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*