Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya shan koob adduun, laakiin Portugal ayaa u baahday labo gool oo soo daahay si ay uga badbaadiyaan 3-2 xulka Ghana.
Laba maalmood uun ka dib markii qandaraaskiisa Manchester United lagu soo afjaray is-afgarad, wakiilka xorta ah ee Ronaldo ayaa rigoore ka dhaliyay xulkii Ghana kulan ka titsan Group H.
Ghana ayaa aad uga carootay rigoore laga dhigay daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta waxaana u soo istaagay Xidiga Ronaldo oo gool u badalay.
Xulka Portugal ayaa Labo Gool oo kale ka helay Joao Felix iyo Rafael Leao Halka Ghana oo Heshay Labo Gool oo ka yimid Andre Ayew iyo Osman Bukari aysan Ku Filaan guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-2.
Shaxda Labada Xul ee Kulanka
Portugal XI: Ronaldo, Danilo Pereira, Cancelo, Guerreiro, Otávio, Neves, Bruno Fernandes, Ruben Dias, Bernardo, Diogo Costa, Felix
Subs: Pepe, Patricio, Carvalho, Andre Silva, Mario, Jose Sa, João Palhinha, Ricardo Horta, Dalot, Leao, Matheus Nunes, Vitinha, Gonçalo Ramos, António Silva
Ghana XI: A.Ayew, Baba, Partey, Amartey, Djiku, I.Williams, Lawrence Ati Zigi, Mohammed Kudus, Mohammed Salisu, Salis Abdul Samed, Alidu Seidu
Subs: Denis Odoi, Jordan Ayew, Daniel-Kofi Kyereh, Owusu, Aidoo, Gideon Mensah, Abdul Nurudeen, Ibrahim Danlad, Antoine Semenyo, Kamal Sowah, Osman Bukari, Tariq Lamptey, Kamaldeen Sulemana, Daniel Afriyie, Issahaku Fatawu