Portugal 6-1 Switzerland: Xulka Portugal oo Xasuuq geestay, Goncalo Ramos oo Saddexlay Dhaliyay

Xulka qaranka Portugal ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa koobka aduunka kadib markii ay 6-1 kaga badiyeen xulka Switzerland wareega 16-ka.

Fernando Santos ayaa qaatay go’aan geesinimo leh oo uu keydka ku dhigay Cristiano Ronaldo kulankii Talaadada, Selecao ayaana u muuqatay mid aad uga reesatay Kubada Ronaldo.

Goncalo Ramos ayaa dhaliyay hat-trick isagoo Portugal ku hogaamiyay wareega 8da ee koobka aduunka kadib Xasuuqooda 6-1 ee Switzerland.

Goolasha Portugal ee Qeybta hore ayaa yimid Daqiiqadii 17aad oo Ramos hogaanka u dhiigay iyo Pepe oo Goolka labaad Raaciyay Daqiiqadii 33aad iyadoo lagu kala nastay 2-0.

Qeybta Labaad Portugal ayaa Heshay Goolka Saddexaad waxana u dhaliyay Ramos Daqiiqadii 51aad halka goolka Afaraad Raacsaday Guerreiro 55 Daqiiqo ciyaarta oo socota.

Goncalo Ramos ayaa markaasi soo qatimay Goolashiisa Saddexleyda ka hor inta uusan goolka Lixaad dhalin Leão  Daqiiqadii 90+2; Xulka Switzerland ayaana heshay goolka Calanka uu u dhaliyay Akanji.

Xulka Portugal ayaa sidaasi ugu gudubtay wareega 8aad ee Koobka Adduunka iyagoo wajahaya Xulka Morocco  oo kasoo gudbay Spain.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*