Home Warar Ciyaaraha Maanta Premier League oo ganaax dusha ka saaray kooxda Man City

Premier League oo ganaax dusha ka saaray kooxda Man City

0

Maamulka Premier League ayaa ganaax dusha ka saaray kooxda Man City kadib markii ay jabiyeen 22 sharci oo u yaala bilaabashada xilli ciyaareedka 2022/23 iyo 2023/24.

Horyaalka Premier League ayaa xaqiijiyay in ay heshiis la gaareen kooxda Man City sababo la xiriira marar badan oo dib u dhac ku yimid kulamadii hore iyo qeybta labaad sabab la’aan.

War qoraal ah oo arbacadii soo baxay ayaa lagu yiri:”Premier League iyo kooxda Man City ayaa galay heshiis ganaax kadib markii ay man City aqbashay in ay jabisay sharciga premier League ee L.33 ee la xiriira bilowga iyo dib u bilaabista waajibaadka.”

“Jebinta ayaa la xiriirta dhowr kulan oo Premier League ah inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka 2022/23 iyo 2023/24”

“Sharciyada bilaabashada ciyaarta labada qaybood ayaa loo sameeyay in ay gacan ka gaysato in sida ugu fiican wax ugu socdaan dhamaan 380 kulan ee ay ciyaareen”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here