Madaxda sare ee Premier League ayaa u safri doona garoonka Etihad Stadium maalinta Axadda, si ay Manchester City ugu wareejiyaan horyaalka Premier League haddii ay ka adkaadaan Chelsea oo ay la ciyaari doonana.
Man City ayaa kaliya u baahan in ay guuleysato Axadda marka ay soo dhoweyso Chelsea, si ay gacanta ugu dhigto horyaalkeedii shanaad ee Premier League ah lix sannadood gudahood.
Guul-darradii Arsenal ee Brighton ayaa Manchester City usoo dedejisay in ay ku guuleysato horyaalka Premier League, waxaana hadda ay u baahan yihiin kaliya saddex dhibcood si ay u dabbaal-degan.
Richard Masters oo ah maamulaha horyaalka Premier League ayaa sheegay, in ay go’aansadeen in Manchester City ay ku wareejiyaan horyaalka maalinta Axadda ah oo ay tegi doonaan garoonka Etihad Stadium, inkasta oo ay laba ciyaarood oo kale baaqi u yihiin Man City, sababtoo ah labada ciyaarood ee u hadhayba waa marti.
Haddii Man City laga badiyo Axadda oo ay Arsenal-na soo garaacdo Nottingham Forest, Richard Masters iyo masuuliyiinta kale ayaa waxay u safri doonaan Gtech Community Stadium kulanka Brentford ee May 28 oo ay horyaalka ku guddoonsiin doonaan Manchester City.