Premier League ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay ku guuleystaha abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii August ee uu bilowga ahaa xilli-ciyaareedku, waxaana loo cumaamaday xiddiga khadka dhexe ee James Maddison oo bandhig heersare ah ka sameeyey kooxdiisa cusub ee Tottenham.
James Maddison ayaa si degdeg ah u saldhigay Spurs oo uu kaga soo biiray kooxda heerka labaad u dhacday ee Leicester City, waxaana isla markiiba loo magacaabay kabtanka labaad ee ku xiga Son Heung-min kaddib bixitaankii Harry Kane.
Waxa kale oo James Maddison ay Tottenham u xidhay lambarkii uu banneeyey Harry Kane ee No.10 iyadoo ay jamaahiirta kooxduna u arkaan in uu yahay kabtankooda mustaqbalka ee kala wareegaya Son.
Ciyaartii koowaad ee horyaalka Premier League oo ay barbarro 2-2 ah la galeen Brentford ayuu labadaba caawiyey, ka hor intii aanu kulankii xigay ee Bournemouth furanin dhalinta goolasha.
Waxa kale oo uu qayb weyn ka ciyaaray guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Manchester United oo ay 2-0 ku garaaceen, waxaanay taasi keentay in loo magacaabo xiddigii ugu fiicnaa bishii August.
James Maddison ayaa abaal-marintan waxa uu ku garaacay Taiwo Awoniyi, Jarrod Bowen, Bryan Mbeumo, Kaoru Mitoma iyo Rodri.