Home Warar Ciyaaraha Maanta Premier League Supercomputer oo saadaaliyay cidda ku guuleysan doonta horyaalka 2024-25

Premier League Supercomputer oo saadaaliyay cidda ku guuleysan doonta horyaalka 2024-25

0

Premier League Supercomputer ayaa saadaaliyay cidda ku guuleysan doonta horyaalka 2024-25 iyo sidoo kale Kooxaha ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya.

Arsenal ayaa si aad ah ugu dhawaatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore halka ay Man City doonayso in ay sii wado ku guulaysiga horyaalka.

Chelsea ayaa dhinaceeda aad u doonaysa in ay ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu sareeya kadib markii ay ku dhamaysteen kaalinta 6-aad xilli ciyaareedkii hore.

Man United ayaa ku dhamaystay kaalinta 8-aad waxana ay doonaysaa in ay ka soo kabsato xilli ciyaareed niyad jab leh.

Liverpool oo uu hogaamin doono tababare cusub ayaa doonaysa in ay meel fiican kaga dhamaysato horyaalka.

Yaa ku guuleysan doona horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan?:

Supercomputer ayaa Man City u saadaaliyay mar kale in ay ku guulaysato premier League iyada oo sii socon doonta awooda kooxda Pep Guardiola.

Kooxehee ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya sida ay u kala sareeyaan:

Supercomputer ayaa Arsenal u saadaaliyay kaalinta 2-aad xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.

Sidoo kale Liverpool ayuu Supercomputer u saadaaliyay kaalinta 3-aad halka uu Erik Ten Hag u saadaaliyay in uu ku soo celin doono booska champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here