PSG 2-0 Montpellier, Paris Saint-Germain oo wali dhinaca Dhulka loo dhigin

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa sii wadata rikoodhkeeda guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1, waxaanay soo hooyeen guushii siddeedaad oo xidhiidh ah iyagoo 2-0 ku garaacay Montpellier oo marti u ahayd.

Gool uu qaybtii hore u dhaliyey laacibka khadka dhexe ee Idrisa Gueye iyo mid uu dhamaadkii ku daray Draxler ayaa ugu filnaaday PSG inay saddexda dhibcood ku hesho Parc des Prince, iyagoo hoggaanka horyaalkana ku qabtay toban dhibcood oo ay ka horreeyaan kooxda kusoo xigta ee Marseille.

Natiijadan ayaa waxay uga dhigan tahay PSG inay wada guuleysatay dhamaan siddeeddii ciyaarood ee horyaalka ee ay dheeshay xilli ciyaareedkan, ayna haysato 24 dhibcood, halka Marseille oo kusoo xigtaa ay leedahay 14 dhibcood.

Shaxda lagu soo bilaabay Kulanka.

PSG XI: Di Maria, Navas, Herrera, Gueye, Neymar, Paredes, Marquinhos, Kimpembe, Diallo, Mbappe, Hakimi

Subs: Wijnaldum, Danilo Pereira, Draxler, Rafinha, Icardi, Donnarumma, Dagba, E. Ebimbe, Nuno Mendes

Montpellier XI: Germain, J. Ferri, Mollet, T. Savanier, M. Ristic, J. Omlin, Zambia, Mavididi, Thuler, J. Chotard, M. Esteve

Subs: Souquet, M. Suarez, D. Bertaud, Cozza, L. Leroy, N. Gioacchini, B. Makouana, S. Wahi, R. Halhal

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*