Paris Saint-Germain , Bayern Munich iyo Roma ayaa dhamaantood lagu soo waramayaa inay ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo .
Inkastoo uu dhaliyay 14 gool Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkan, 37 jirkaan ayaa saameyn yar sameeyay tan iyo markii uu yimid tababaraha ku meel gaarka ah Ralf Rangnick .
Isbadal kale ayaa la filayaa xagaaga, waxaana la filayaa in go’aan laga gaaro mustaqbalka Xidigan reer Portugal ilaa iyo inta laga magacaabayo tababare waqti dheer ah.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun , PSG, Bayern iyo Roma ayaa dhamaantood isha ku haya xaalada xilli wakiilka Jorge Mendes uu wadahadalo la yeeshay madaxda United.
Wargayska ayaa soo xiganaya ilo sheegaya in Ronaldo “uusan doonayn in uu labadii sano ee ugu dambeeyay xirfadiisa ciyaareed ku qaato kooxda”.