Home Warka Xiisaha Leh PSG Oo Durba Dareemaysa Bixitaanka Messi & Hoos U Dhaca Baraheeda Bulshada

PSG Oo Durba Dareemaysa Bixitaanka Messi & Hoos U Dhaca Baraheeda Bulshada

0

Paris Saint-Germain ayaa habeen hore macsalaamaysay weeraryahankeedii Lionel Messi kaas oo laba sano oo sidii la filayay aan noqon ku qaatay Parc des Princes.

Paris ayaa bixitaanka Messi ku dhawaaqday kahor kulankii ay guuldarrada 3-2 ah kala kulantay Clermont walow ay xaqiiqsadeen horyaalka Ligue 1 markale.

Messi ayay markale jamaahiirta PSG u muujiyeen sida aysan wax naxariis ah ugu hayn iyagoo ku oriyay kulankaas kahor iyo kaddiba.

Bixitaanka Messi ayaa lagu sifayn karaa mid durtaba baraha bulshada PSG laga dareemay maadaama ay jamaahiir badani ka qulqushay.

Tan iyo bixitaankii Messi, PSG ayaa barteeda Instagram ay ka hadheen (Unfollow) 1.5 Milyan qof, kooxda ayaa haysatay 70.4 Milyan qof oo la socday balse haatan maraysa 68.9.

Dhammaan baraha bulshada ee kale ayay PSG ku weyday taageerayaal badan saacadihii ugu dambeeyay walow aysan u darnayn sida Instagram.

 

Previous articleTartankii Ugarte Oo Waji Cusub Yeeshay, Go’aanka Chelsea & Farxada PSG
Next articleJoan Laporta oo markale ka hadlay mustaqbalka kabtankii hore ee kooxdiisa ee Lionel Messi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here