Home Horyaalka Spain PSG oo heshiis qarsoodi ah la gashay Real Madrid oo ku saabsan...

PSG oo heshiis qarsoodi ah la gashay Real Madrid oo ku saabsan Sergio Ramos

0

Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay leeyihiin heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan Sergio Ramos . Ciyaaryahanka reer Spain ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaagan, waxaana uu xor u yahay inuu heshiis horudhac ah la galo koox kasta haatan.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday El Mundo Deportivo , PSG ayaa heshiis qarsoodi ah la gaadhay Real Madrid taas oo ka joojinaysa inay dalab u diraan Sergio Ramos ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. Wararka ayaa sheegaya in PSG ay dooneyso saxiixa daafaca dhexe laakiin waxay sugeysaa inay dhamaato wadahadalada qandaraaska ee uu kula joogo Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga, walina heshiis cusub lama saxiixin. Xiddiga reer Spain iyo Los Blancos ayaa lagu soo waramayaa inay u jiraan masaafo fog wadahadalo qandaraas kordhin ah, daafaca ayaana u muuqda inuu bixi doono marka xilli ciyaareedku dhammaado.

Paris Saint-Germain ayaa ka mid ah kooxaha xiisaha u muujiyay saxiixa 34 jirkaan. Bishii la soo dhaafay, (Onda Cero) ayaa soo warisay in kooxda ka dhisan Ligue 1 ay heysato heshiis seddex sano ah oo ay kula jirto 45 milyan oo ginni oo mushahar ah oo diyaar u ah inuu kabtanka Real Madrid saxiixo.

Previous articleReal Madrid oo ka fiirsaneysa iibinta Raphael Varane madaama qandaraaskiisu hoos u dhacayo.
Next articleManchester City oo ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka Southampton Danny Ings

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here