Home Suuqa Kala iibsiga PSG oo Manchester United u soo bandhigtay ciyaartoy dhawr ah si ay...

PSG oo Manchester United u soo bandhigtay ciyaartoy dhawr ah si ay u hesho Jadon Sancho.

0

PSG ayaa diyaar u ah inay Manchester United u soo bandhigto ciyaartoy dhawr ah si ay u hesho Jadon Sancho.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa dib ugu soo laabtay kooxda tababare Erik ten Hag ka dib markii xilli ciyaareedkii hore ay isku dheceen.

Si kastaba ha ahaatee, Sportzone ayaa sheegaysa in PSG ay la xiriirtay Sancho si ay u hesho saxiixiisa suuqa kala iibsiga xagaagan.

Haatan PSG waxay raadin doontaa inay United kala hadasho qiimaha xiddiga heerka caalami ee dalka England.

Saddex ciyaaryahan oo PSG ah ayaa miiska u saari doonto Man United waxa ka mid ah Manuel Ugarte, Nordi Mukiele iyo Milan Skriniar.

Kooxda Man United ayaa horay wadahadalo ugula jirtay PSG iyaga oo ka doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manuel Ugarte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here