Ad
PSG ayaa isha ku haysa xaalada Sadio Mane ee Liverpool .
BILD ayaa sheegtay in Mane uu ka caga jiidayo inuu saxiixo qandaraas cusub oo Liverpool ah sababo la xiriira xiisa ka imaanaya dibadda.
Ad
Qandaraaska Mane ayaa dhamaanaya xagaaga 2023, walina qalinka kuma duugin heshiis cusub.
Laakiin weeraryahanka Senegal ayaa laga yaabaa inuu ka baxo albaabka Reds.
Daabacaada ayaa sheeganeysa in Mane uu ku qancay PSG kuwaas oo isha ku haya weerarka. Bayern Munich iyo Barcelona ayaa sidoo kale xiriir la leh xidiga Mane.