PSG oo si bilaash kula soo saxiianaysa xiddig kamida daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan wakhtigan Yurub

PSG ayaa u muuqata mid helaysa oo waliba bilaash kula saxeexanaysa xiddig kamida daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan wakhtigan Yurub waana Milan Skriniar oo Inter Milan ka tirsan.

Heshiiska uu Skriniar kula joogo Inter ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana uu wakiilkiisu si cad u sheegay inay Inter u sheegeen inuusan heshiis kordhin samaynayn.

Wakiilka Milan ayaa yidhi “Waxaanu u sheegnay Inter in Skriniar uusan heshiis kordhin samaynayn, sida ay haatan arrimuhu yihiin waxaanu sheegnay inaanu xor u nahay inaanu la hadalno kooxaha kale”.

Dhawaan ayay ahayd markii wargeyska ree France ee L’Equipe uu sheegay inuu Skriniar heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Paris.

27 sano jirkaas ayaa hore u diiday heshiis kordhin ay kooxdiisu usoo bandhigtay. Xagaagii 2022 ayay ahayd markii PSG ay dalab 55 Milyan oo euro ah ka gudbisay Skriniar balse ay Inter soo diiday.

Skriniar ayaa wakhtiga uu Inter joogay ilaa haatan 241 kulan usoo ciyaaray isagoo kula soo guuleystay Serie A, Coppa Italia iyo laba Supercoppa Italian.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*