Home Horyaalka France PSG oo soo saartay Safka ay kaga hortegeyso kooxda barcelona habeen dambe..

PSG oo soo saartay Safka ay kaga hortegeyso kooxda barcelona habeen dambe..

0

Xiddiga qadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti ayaa ka soo kabsaday dhaawac sinta ah waxaana diyaar u ah inuu wajaho Barcelona kulan qeyb ka ah Champions League wareegiisa 16 ka.

Kooxda reer France ayaa leh seddex nin oo Talyaani ah ciyaarta ka hor kulanka weyn ee ay la ciyaarayaan Blaugrana berri, iyadoo Moise Kean, Alessandro Florenzi iyo Verratti ay ku jiraan qorshaha macalin Mauricio Pochettino.

Neymar iyo Angel di Maria ayaan ka mid aheyn 22ka ciyaartoy ee loogu yeeray ineey qeyb ka ahaadan ciyaarta aadka u adag oo ka dhici doonto garoonka barcelona ee Camp Nou.

Kooxda PSG ee wajihi doonta Barcelona waxaa ay kala yihiin: Bakker, Diallo, Draxler, Florenzi, Gueye, Herrera, Icardi, Kean, Kehrer, Kimpembe, Kurzawa, Letellier, Marquinhos, Mbappe, Michute, Navas, Paredes, Pereira, Rafinha, Rico, Sarabia, Verratti

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here