Home Suuqa Kala iibsiga PSG oo u dhaqaaqday weeraryahanka Napoli Victor Osimhen

PSG oo u dhaqaaqday weeraryahanka Napoli Victor Osimhen

0

PSG ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Napoli Victor Osimhen isbuuca soo socda taasoo war wanaagsan u ah Chelsea iyadoo wadada u xaareysa ka bixitaanka Romelu Lukaku ee Stamford Bridge.

Kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ayaa diyaar u ah inay horumariso baacsiga Osimhen toddobaadka soo socda iyadoo la qorsheynayo wareeg cusub oo wadahadal ah oo lala galo Napoli.

Xiddiga reer Nigeria ayaa mar hore siiyay iftiinka cagaaran si uu ugu dhaqaaqo Paris, horyaalkuna waa mid uu aad u yaqaano 25 jirkan, maadama uu waqti la qaatay kooxda Lille.

Osimhen ayaa la filayay inuu ka tago kooxda Serie A xagaagan, mana uusan ku jirin kursiga keydka kulankii saaxiibtinimo ee Napoli iyo Mantova sabtidii.

Weeraryahanka ayaa Naples kula jira heshiis dhacaya 2026, kaas oo ka kooban 130 milyan oo euro oo lagu burburin karo qandaraaskiisa.

PSG ayaa isku dayi doonta in ay Napoli kala heshiiyaan qiimaha xiddiga maadama ayna diyaar u ahayn in ay dhaqaajiyaan qodobka heshiiskiisa haatan.

Hadii heshiiskan uu si wanaagsan u dhamaado, waxay u noqon doontaa war aad u fiican Chelsea maadaama ay wadada u xaarayso in xiddiga aan la rabin ee Romelu Lukaku uu u dhaqaaqo Naples.

Lukaku ayaa mudnaanta koowaad siiyay Napoli si ay u dhamaystirto heshiiskiisa, wuxuuna haatan sugayaa kooxda Napoli inay soo jeedin rasmi ah u gudbiso Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here