Home Champions League PSG oo Xasuuqday Barcelona xili Kylian Mbappe uu Sadaxley ka dhaliyay Barca

PSG oo Xasuuqday Barcelona xili Kylian Mbappe uu Sadaxley ka dhaliyay Barca

0

Kooxda PSG ee Dalka Faransiiska ayaa xasuuqday Kooxda Barcelona kulan ka tirsan Champions league lugtiisa hore ee wareega 16-aad oo lagu ciyaaray Garoonka Camp Nou.

Barcelona oo lagu ciyaarayay Garoonkeeda ayaana loo geestay Xasuuq xoogan iyadoo Xidiga reer France ee Kylian Mbappe uu dhaliyay Sadaxley.

Lional Messi ayaa Barcelona u dhiibay Hogaanka Ciyaarta Daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta markaasi ayaana Barcelona waxaa ugu danbeeyay kubad ay ciyaarto iyadoo PSG ay la wareegtay ciyaarta xoogeeda.

Kylian Mbappe ayaana dhaliyay goolka Barbaraha Daqiiqadii 32-aad iyadoo lagu kala nastay 1-1 isku soo laabadka ciyaarta Kylian Mbappe ayaa markale shabaqa soo taabtay ciyaarta oo mareysa 65,daqiiqo ka hor inta uusan goolka sadexaad dhalin Moise Kean daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta xidiga Kylian Mbappe ayaana soo gabagabeeyay goolasha PSG goolkaasi oo ahaa kiisa sadexaad ee ciyaarta.

Kulankan ayaa noqonaya lugta hore iyadoo lugta labaad lagu balansan yahay garoonka PSG 10 March markaasi oo la saadaalin karo cida u soo baxday Champions league.

Maxaa Xiga

Barclena ayaa Garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta Kooxda Cadiz kulan ka tirsan La Liga maalinta Axada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here