Quruxleyda kubadda cagta ee Laura Woods ayaa garab istaagtay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo ay ugu yeedhay inuu iskaga soo guuro waddanka Spain oo uu yimaaddo dalka ay joogto ee UK, si uu uga baxo dhibaatada cunsuriyadda ee lagu hayo.
Laura Woods ayaa ka adkaysan kari weyday wixii xalay ku dhacay Vinicius Jr oo lagu cunsuriyeeyey garoonka Mestala, taas oo keentay in muddo 10 daqiiqadood ah ciyaarta hakad la geliyo, halka markii dambena uu garsooraha ciyaartu casaan toos ah siiyey Vinicius Jr.
22 jirkan ayaa markii uu garoonka ka baxay waxa uu waddanka Spain ku tilmaamay ‘Waddanka Cunsuriyiinta’, waxaase u jawaabay madaxweynaha LaLiga ee Javier Tebas oo isaga oo canaananaya laacibkan ku yidhi: “Ha u ogolaan naftaada in laga maadsado, waa in aad xaqiiqsato wixii aynu wada-jirka u qabanay [ladagaallanka cunsuriyadda]”.
Hadalka Javier Tebas ayaa layaab ku noqday dad badan, waxaana ka mid ahayd quruxlayda falanqaysa ciyaaraha ee Laura Woods oo kula talisay Vinicius in uu iskaga tago horyaalka LaLiga oo uu yimaaddo Premier League, halka ay madaxda Spain iyo LaLiga ku eedaysay in aanay doonayn in ay xalliyaan cunsuriyadda iyo faquuqa ka jira dalkooda.
Waxayse Laura Woods ammaantay Carlo Ancelotti oo ay xustay
inuuahaa shaqsigi dalbaday in la joojiyo ciyaartii xalay, sidoo kalena uu dedaal ku bixinayo garab istaagga da’yarkan ay taageereyaashu midabkiisa kufaquuqayaan.