Home Suuqa Kala iibsiga Rafa Benitez oo sheegay inuu ogaa 100% Nemanja Vidic Man United ka...

Rafa Benitez oo sheegay inuu ogaa 100% Nemanja Vidic Man United ka dooran doono Liverpool

0

Rafa Benitez ayaa sheegay inuu ogaa 100% Nemanja Vidic Man United ka dooran doono Liverpool kadib markii uu telefoon kula xidhiidhay saaxiibtiis daafaca sanadkii 2005.

Vidic oo wakhtigaas u ciyaarayay kooxda Spartak Moscow ayaa ka mid ahaa daafacyada da’yarka ah ee u soo baxaya kubada cagta waxana uu ka mid noqday daafacyada ugu fiican taariikhda kadib 8 sano oo uu ku qaatay Old Trafford.

Vidic ayaa 15 koob kula guulaystay Man United laakiin xirfadiisa ayaa dhinac kale noqon lahayd hadii uu ku biiri lahaa Liverpool.

Liverpool ayaa dadaal dhab ah u samaysay sidii ay ugu guulaysan lahayd saxiixa Vidic laakiin Reds ayaa ku fashilantay saxiixa xiddiga reer Serbai.

“Waxaan la hadlay Vidic ka hor inta uusan u saxiixin Manchester United. Waan ogaa 100 boqolkiiba inuusan ku soo biirayn Liverpool”ayuu Benitez yidhi.

“Markii aan la hadlayay wuxuu igu yiri, “waa inaad la hadashaa saaxiibteyda, waxay ku hadashaa Ingiriis”, ka dibna waxay igu tidhi, “waxaan jeclahay magaalooyinka sida Manchester iyo Liverpool”.

“waxaan ku fikiray, “Waa maxay sababta ay Manchester uga hadlayso?”, marka horeba waan ogaa in United ay ku soo dalab ka fiican dalabkeena”.

“Ma aanan haysan lacag aan ku iibsano ciyaartoyda, mana aanan haysan lacag aan siino ciyaartoyada”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here