Wargeysyada Isbaanishka ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Brazil Rafinha Diaz, garabka Barcelona, uu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Barcelona.
27-sano jirkaan qandaraaskiisa kooxda Catalan ayaa dhamaan doona saandka 2027.
Wargayska “Sport” ayaa sheegay in Rafinha uu u furan yahay fikradda kordhinta qandaraaska uu kula jiro Barcelona.
Wargeyska ayaa intaa ku daray in kooxda reer Catalonia ay horey u dooneysay inay iska iibiso garabka reer Brazil, gaar ahaan hadii ay dalab 100 milyan oo euro helaan.
Rafinha ayaa ku guulaystay in uu 3 gool u dhaliyay kooxda Barcelona kulankii ay Barcelona guusha ka gaadhay kooxda reer Germany ee Bayern Munich,waxana ay ku badisay 4-1 fiidnimadii arbacadii hore,waxana ay qayb ka ahayd kulamadii 3-aad ee tartanka champions League.
Xiddiga reer Brazil ayaa ka qeyb galay 13 kulaan kooxda Catalan, tartamada oo dhan, tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 9 gool halka uu caawiye ka noqday 8 kale.
Rafinha ayaa xagaagii 2022 ugu soo wareegay safka Blaugrana, aduun dhan 58 milyan oo euro isaga oo kaga biiray kooxda Leeds United.