Xiddiga kooxda Barcelona ee Rafinha ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id oo uu kaga hadlay kulanka Bayern Munich ee wareega 3-aad ee tartanka champions League.
Laacibka ayaa yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heerkaan soo gaaray sirta ka dambaysa qaab ciyaareedkayga waxa sabab u ah horumar dhinaca maskaxda ah oo aan sameeyay, laakiin waxa ugu muhiimsan waa kalsoonida macalinka iyo asxaabtayda kooxda Waxaan la qabsanayaa inaan ka ciyaaro boos cusub xilli ciyaareedkan”.
Wuxuu intaas ku daray: “Aad ayaan ugu hanweynahay inaan xirto calaamadda kabtanimada Barcelona waxa aan doonayaa in aan caawiyo kooxda inta aan awoodo, mar walba diyaar ayaan u ahay in aan hogaamiyo kooxda waxana ay sharaf ii tahay in aan raaxo wadada halyeeyada kooxda”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan isku dayeynaa inaan horumarino kulan kasta, isbuucaan waa mid gaar ah, qof walbana wuxuu ku dhiiraday inuu la ciyaaro kooxaha waa weyn, waxaan diyaar u nahay tartankaan, waxaan dooneynaa inaan badino berri, ka dibna waxaan ka hadli karnaa El Clásico”.
Wuxuu yiri: “Ma waxaad dooneysaa inaad ka aargoosato Bayern Munich maya, wixii horay u dhacay waxay noqdeen wax la soo dhaafay, laakiin waa nasiib darro wixii dhacay kulamadaas, laakiin diiraddayadu waa kulanka berri, waxaana dooneynaa inaan badino? .”