Tababaraha Ingariiska Gareth Southgate ayaa qirtay in Raheem Sterling uusan ku faraxsaneyn in laga saaray xulka Ingariiska ee la magacaabay maanta.
Xiddiga Chelsea ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka cusub ka dib markii uu ku dhibtooday Stamford Bridge xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay.
Laakiin 28 jirkaan ayaan lagu soo darin xulka Ingariiska ee ciyaaraya kulanka isreebreebka Euro 2024 ee Ukraine iyo kulanka saaxiibtinimo ee Scotland.
Bukayo Saka, Marcus Rashford, James Maddison, Jack Grealish, Phil Foden iyo Eberechi Eze ayaa weerarka loo soo xushay si la mid ah Eddie Nketiah, Harry Kane iyo Callum Wilson.
Isagoo sharxayay go’aankii u Sterling uga tagay, Southgate ayaa sheegay inuu waayay sabab uu ku bedelo xiddigihiisa weerarka oo uu ugu soo yeero Sterling.
“Aad ayaan ugu faraxsaneyn ciyaartoyda aan heysano, inaan u soo yeero Raheem Sterling, waxay qasab ka dhigi laheyd inaan qof kale ka saaro xulka” ayuu Southgate ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee maanta.
“Seddexdii kulan ee la ciyaaray horyaalka, uma maleynayo inuu jiro ciyaaryahan u qalmay in laga soo tago.”
Sterling ayaa ka jawaab celiyay in laga reebay xulka Ingariiska, isagoo warbixin u soo dhiibay wakiiladiisa, wuxuuna sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Southgate islamarkaana uu diirada sii saari doono qaab ciyaareedkiisa fiican ee Chelsea..
“Raheem wuxuu fekerkiisa u sheegi doonaa tababaraha laakiin waxa uu jeclaan lahaa inuu carabka ku adkeeyo in go’aanka tababaraha uu ixtiraamayo.” ayaa lagu yiri warka uu soo saaray wakiilkiisa. “Raheem waxa uu sii wadi doonaa inuu diirada saaro qaab ciyaareedkiisa fiican ee Chelsea.”