Home Suuqa Kala iibsiga Raheem Sterling oo soo afjaraaya wakhtiga xun ee chelsea kuna biiraaya Kooxda…

Raheem Sterling oo soo afjaraaya wakhtiga xun ee chelsea kuna biiraaya Kooxda…

0

Raheem Sterling ayaa u furan inuu soo afjaro wakhtiga xun ee chelsea kuna biiro kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Wakiilada Sterling ayaa ka fiirsanayay doorkooda ka dib markii tababaraha cusub ee Chelsea Enzo Maresca uu ka saaray xiddia ay wakiilka u yihiin qorshihiisa una sheegay in uu isaga tago kooxda.

Waxa soo baxaya warar sheegaya in ay Man United xiiso u qabto saxiixa xiddiga reer England si ay ugu xoojiso kooxdeeda suuqa xagaagan.

Wararka ayaa Intaas ku daraya in ay Chelsea Sterling ka qayb dhigi karto heshiiska ay ku doonayso xiddiga Jadon Sancho.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Sterling ayaa u furan in uu ku soo biiro kooxda Man United isla markaas uga baxsado dhibta chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here