Home Warar Ciyaaraha Maanta Ralf Rangnick oo hadalkii uu sheegay ee ahaa in ay Man United...

Ralf Rangnick oo hadalkii uu sheegay ee ahaa in ay Man United u baahantahay “qaliin furan oo wadanaha ah” is badal weyn ay noqotay mid sax ah

0

Ralf Rangnick ayaa sheegay in hadalii uu sheegay ee ahaa in ay Man United u baahantahay “qaliin furan oo wadanaha ah” is badal weyn ay noqotay mid sax ah iyada oo tababaraha haatan ee Erik Ten Hag uu wajahayo isla dhibaatadii kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay.

Ka hor inta uusan ka tagin Old Trafford ka dib markii uu si ku meel gaar ah u sii hayay Rangnick, oo hadda ah tababaraha Austria, ayaa soo jeediyay qiimeyn isaga oo sheegay in ay kooxdu u baahantahay is badal weyn.

Muddo 2 sano kadib Man United waxa la wareegay shirkada INEOS, wali waxa uu sheegay in ay isla dhibaatadii hore taagantahay inkasta oo ay kooxdu suuqa galisay lacag badan.

United ayaa si niyad jab leh ugu dhameysatay kaalinta sideedaad ee kala saraynta premier League xilli ciyaareedkii hore ka hor inta ayna ku guulaysan FA Cup-ka.

Laakiin Man United ayaa laga badiyay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier League Rangnick ayaana sheegay in hadalkiisii run noqday.

“Waxa laga yaabaa in aan hadalkaas sheegay iyada oo xilli ciyaareedku dhamaad yahay muddo 2 sano ka hor, laakiin waxa ay ahayd 2 ama 3 todobaad markii Erik Ten Hag la waydiiyay isla wixii la i waydiiyay”.

“Kadib waxa uu sheegay in aan qiimayntayda ku saxnaa, ma garanayo Tirada xiddigaha ay la soo saxiixdeen ilaa haatan laakiin waxa ay u muuqataa in aan saxnaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here