Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis la galay aabaha dhalay weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland , iyadoo shaki laga muujinayo mustaqbalka wiilkaan.
21-sano jirkaan ayaa sii wadey inuu wacdaro ka dhigo Borussia Dortmund, isagoo dhaliyey 19 gool 17 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu bartilmaameed u yahay koox kasta oo sare oo Yurub ah oo awood u leh saxiixiisa.
Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadalo la yeelan doono Dortmund, kuwaas oo doonaya inuu sii joogo hal xilli ciyaareed oo kale sanadka soo socda, waxayna doonayaan inay kordhiyaan mushaharkiisa laakiin qandaraaska Haaland oo lagu burburin karo 63.8 milyan ginni ayaa hadda lagu wadaa inuu noqdo mid ka tagi kara kooxda
Manchester Evening News ayaa ku warameysa in Rangnick uu doonayo inuu gaaro heshiis u horseedaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Norway yimaado Old Trafford, wuxuuna la hadlay Haaland aabihiis suurtagalnimada inay taasi dhacdo.
Haaland ayaa dhaliyay 76 gool 75 kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu yimid Signal Iduna Park seddex sano ka hor.