Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay siin doonto Ralf Rangnick gunno dhan 10 milyan oo euro (£8.5m) haddii uu ku guulaysto inuu Erling Braut Haaland keeno Old Trafford ka hor ololaha 2022-23.
Haaland ayaa qandaraaskiisa Borussia Dortmund lagu burburin karaa 63 milyan ginni xagaaga soo aadan, waxaana la filayaa inay xiiseynayaan kooxaha sida Man United, Manchester City , Chelsea , Bayern Munich , Barcelona iyo Real Madrid .
Sida laga soo xigtay Bild , Man United ayaa u balan qaaday in ay siin doonto Macalinka Jarmal lacag dhan 10 milyan oo euro (£8.5m) oo guno ah hadii uu ku guulaysto in uu Haaland keeno Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.
Warbixintu waxay sheegeysa in magacaabista Rangnick ay qayb ka ahayd ‘qorshe cad’ oo uu kula soo wareegayo Norwegian-ka, kaasoo dhaliyay 71 gool, islamarkaana loo diiwaan geliyay 19 caawin 70 kulan oo uu u saftay BVB tartamada oo dhan.
Tababaraha cusub ee ku meel gaadhka ah ee Man United ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Red Bull Salzburg oo Haaland ka heshay Molde sanadka 2019 waxaana la rumeysan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay qoyska 21 jirka.