Rangnick oo ka hadlay dib u soo laabashada Pogba iyo Fursadaha uu helayo

Paul Pogba

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa u ogolaan doona Paul Pogba inuu ciyaaro marka uu taam buuxa yahay.

Laacibka reer France ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga, waxaana ay aad ugu badan tahay inuu u cusbooneysiiyo heshiiska Red Devils.

Pogba ayaa dhaawac ku maqnaa muddo ku dhow saddex bilood, laakiin hadda waxa uu ku dhow yahay taam ahaanshihiisa.

Rangnick ayaa sheegay in uu la hadlay Pogba uuna aaminsan yahay in xiddiga khadka dhexe ee France uu si buuxda uga go’an yahay ilaa dhamaadka ololahan.

“Haa dabcan,” Rangnick ayaa ku jawaabay isagoo ka hadlayay kalsoonida ciyaarista Pogba xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay Goal.com .

“Sidoo kale waxaan ciyaaray Nemanja Matic kulamadii ugu dambeeyay, qandaraaskiisuna wuu dhacayaa, sidoo kale qandaraaskeyga tababare ahaan wuxuu dhacayaa xagaaga, anaga waxaan leenahay hal hadaf, waxaan leenahay hami isku mid ah oo ah inaan noqono kuwa guuleysta. maadaama ay suurtogal tahay inaan ahaan karno saddexda ama afarta bilood ee soo socda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*