Rangnick oo ka hadlay Wixii Cristiano Ronaldo uu Sameeyay Xalay Markii la badalay

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaan wax dhibaato ah u arkin jawaabta uu Cristiano Ronaldo ka bixiyay badalka kulankii Brentford .

36-sano jirkaan ayaa si muuqata uga carooday Rangnick ka dib markii lagu bedelay Harry Maguire , inkastoo United ay 3-0 ku badisay.

Ronaldo ayaa jaakaddiisii ​​dhulka ku tuuray, waxaana kaamirooyinka taleefishinada qabteen isagoo ka cabanaya go’aankaas isagoo fadhiya jaranjarada.

Mar wax laga weydiiyay falcelinta Ronaldo, Rangnick ayaa u sheegay BT Sport: “Taasi waa iska caadi – weeraryahanku wuxuu rabaa inuu gool dhaliyo – laakiin dhaawac yar ayuu ka soo laabtay, waxaana muhiim ah inaan xasuusano inaan leenahay kulan kale oo soo socda.

“Sidoo kale wixii ka dhacay Villa Park ka dib, waa inaan difaacno hogaanka markan, waxaana muhiim aheyd inaan dib ugu soo laabanay shanta dambe, inta aan shabaqeeda ilaalineyn waxaa muhiim ah inaan hubino in wax kale aysan dhicin”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*