Tababaraha Manchester United Ralf Rangnick ayaa amaanay saameynta Scott McTominay ka dib markii kooxdiisa ay 3-1 kaga badisay Brentford .
McTominay waxa uu maamulay bandhiga khadka dhexe ee United, isagoo soo bandhigay Kubad aad u xiiso leh.
Intaa ka dib, Rangnick waxa uu si degdeg ah u ammaanay xiddiga Scotland, taas oo muujinaysa in uu u soo baxayo hoggaamiye kooxeed.
“Qeybtii hore waxaan ahayn kuwa ugu fiican dhammaan dhinacyada ciyaarta. Qeybtii labaad Scott wuxuu ahaa mid ku dayasho mudan, hogaamiye dhab ah, wuxuu ku ciyaaray awood markii aan aad ugu baahanahay,” ayuu yiri, sida laga soo xigtay Manchester Evening News .
“Taasi waxay saamayn togan ku yeelatay dhamaan ciyaartoydii ku sugnaa xarunta dhexe ee garoonka, markii aan badinay labadaas kulan ee qaybtii danbe ee ciyaarta, waxa aanu helnay waqtiyo weerar celis ah, waxana aanu ogaanay in aanu ku ciyaari karno xawaare iyo xamaasad.