Rangnick oo Qiray in xidiga Sancho uu ku dhibaatoonayo kooxda Manchester United

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa aaminsan in Jadon Sancho uu la dhibtoonayo culayska laga filayo.

Sancho ayaa ku dhibtoonayay inuu helo qaab ciyaareedkiisa ugu fiicnaa tan iyo markii uu yimid United iyo Premier League xagaagii hore.

21-sano jirkaan ayaa labo gool 23 kulan oo uu u saftay kooxda, isagoo ku soo bilowday 14 ka mid ah kulamadaas.

” Way adag tahay in la sheego. Waxaan u maleynayaa inuu yahay horyaal ka duwan, waa tartan kale,” Rangnick ayaa ka sheegay Sancho shirkiisa jaraa’id ee ugu dambeeyay.

“waa cadaadis badan, inkastoo uu sidoo kale u soo ciyaaray mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Jarmalka, Dortmund.

“Laakiin waxaan qabaa guud ahaan, horyaalka oo dhan, tartanka oo dhan waa mid jireed, heerka rajadana waa ka sarreeyaa, markii uu yimid Borussia Dortmund isaga oo ciyaaryahan ah, wuxuu ahaa kaliya 18 jir, hadda waa 21 jir, oo u ciyaara mid ka mid ah naadiyada ugu waaweyn aduunka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*