Home Wararka Ciyaaraha Raphinha oo sheegay magaca ciyaartoyga Manchester United ee uu jeclaan lahaa inuu...

Raphinha oo sheegay magaca ciyaartoyga Manchester United ee uu jeclaan lahaa inuu yimaaddo Barcelona

0
Ad

Xiddiga reer Brazil ee Raphinha ee garabka uga ciyaara Barcelona ayaa sheegay magaca ciyaartoyga Manchester United ee uu jeclaan lahaa inuu yimaaddo Barcelona oo ay iska garab ciyaaraan, saacado ka hor kulanka Europa League ee Barca iyo Man United ee lugta hore ee wareegga 32ka.

Barcelona oo kasoo dhacday Champions League oo ay wareeggii group-yada kusoo garaaceen Bayern Munich iyo Inter Milan, ayaa inkasta oo ay guul weyn oo ay ka gaadheen Viktoria Plzen haddana waxay ciyaarayaan tartanka Europa League.

Ad

Manchester United ayaa iyaduna aan usoo bixin Champions League maadaama aanay ka mid ahayn afarta sare ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Raphinha oo xagaagii ay Barcelona kasoo iibsatay Leeds United, ayaa saxaafadda la hadlay waxana uu shaaciyey xiddiga ka dheela Old Trafford ee uu jeclaan lahaa inay Barcelona la saxeexato, waxanu yidhi: “Ciyaartoyga aan mar walba kala hadlo asxaabtayda iyo qoyskaygu waa Casemiro. Waa ciyaartoy aan jeclaan lahaa in aanu isku koox ahaano.

Previous articleWAR DEG DEG AH: Xidhiidhka Kubadda cagta Ingiriiska Ee FA Oo Ganaax Ku Riday Liverpool
Next articleSaadaasha Paul Merson Ee Premier League Toddobaadkan, Kooxaha Uu Guusha Uga Dhaartay & Aragtidiisa Newcastle v Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here