Rasmi: Arteta oo Heshiis Cusub u Saxiixay Kooxda Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa go’aan ku gaadhay inay heshiis cusub ka saxeexato tababaraheeda Mikel Arteta iyo waliba macalinka kooxdeeda dumarka ee Jonas Eidevall.

Heshiiskii hore ee Mikel ayaa ahaa mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe ee gudaha sanadka 2023 balse Gunners ayaa haatan gaadhsiiyay ilaa 2025.

“Waan faraxsanahay, waan ka mahadnaqayaa oo aad iyo aad ayaan dhab ahaan u faraxsanahay maanta” ayuu yidhi tababaraha ree Spain oo dareenkiisa cabiray kaddib heshiis kordhintaas.

“Markii aan la hadlay Josh (Kroenke) isagu sidaysa oo kale ayuu kooxda u arkayay waxaana uu doonayaa inuu kooxda u qaado qaabka aan anigu u doonayo”

Waxaanu doonaynaa inaanu kooxda heerka xiga u qaadno oo aanu la tartano kooxaha kale ee heerka sarre ah, si aanu sidaas u samayno waa inaanu ka ciyaarnaa Champions League”

Dhinaciisa agaasimaha farsamada Arsenal ee Edu Gaspar ayaa sheegay inuu xagaa weyni ka horreeyo kooxdooda isla markaana ay si weyn u gali doonaan suuqa.

Arsenal ayaa aad ugu dhaw inay markii ugu horreysay kaddib sanado badan dib ugu laabato tartanka Champions League oo uu hore u awoodi waayay Arteta oo labadii xilli ciyaareed ee hore si xidhiidh ah booska 8-aad ugaga soo dhammaystay miiska kala sarreynta.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*