Home Suuqa Kala iibsiga RASMI: Chelsea oo dhameystirtay saxiixa Pedro Neto oo ay kala soo wareegeen...

RASMI: Chelsea oo dhameystirtay saxiixa Pedro Neto oo ay kala soo wareegeen Wolverhampton Wanderers

0

Kooxda chelsea ayaa ku faraxsan in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga reer Portugal ee Pedro Neto kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Wolverhampton Wanderers.

Pedro ayaa saxiixay qandaraas todobo sano ah, waxaana uu tababarka la bilaabi doonaa saaxiibadiisa cusub ee Cobham maalmaha soo socda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku soo biiray kooxdan,” ayuu yiri 24-jirkan.  waxaana rajeynayaa inaan garoonka la soo galo funaanadda chelsea.”

Waxa uu xirfadiisa ka bilaabay nidaamka dhalinyarada ee Braga. Tayada Pedro ayaa soo ifbaxday markii uu saftay kulankiisii ​​ugu horeysay bishii May 2017 wuxuuna dhaliyay gool ay 4-0 kaga badiyeen Nacional. Isagoo jira 17 sano, laba bilood iyo shan maalmood, wuxuu noqday gooldhaliyaha saddexaad ee ugu da’da yar taariikhda kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here