Rasmi: Chelsea oo xaqiijisay in Shaqada laga Ceyriyay Frank Lampard

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay shaqada ka caydhisay Tababare Frank Lampard kadib markii ay kooxdu soo bandhigtay kooxdu qaab ciyaareed xun.

Kooxda Chelsea ayaa bogeeda Internet-ka si Rasmi ah ugu sheegtay in ay shaqada ka fasaxday Tababare Frank Lampard ahna Halyeeyga Kooxda.

Chelsea ayaa suuqii xagaaga ahayd kooxdii lacagta ugu badan suuqa galisay inkasta oo kooxo badan la dhibaatoonayeen saamaynta xanuunka Korona.

Lampard ayaa kooxda galiyay lacag kor u dhaafta 250 Milyan oo euro oo uu kula soo saxiixday xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Chilwell, Werner iyo Havertz.

Laakiin chelsea ayaa qaab ciyaareed xun soo bandhigtay kulamadii ugu dambeeyay inkasta oo ay si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*