
Daafaca dhexe ee Manchester United Axel Tuanzebe ayaa qarka u saaran inuu amaah ugu biiro Napoli .
24-sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Serie A ilaa dhamaadka ololahan.
Tuanzebe, oo si dhib yar uga soo muuqday Red Devils xilli ciyaareedkan, ayaa soo gabagabeeyay tijaabada caafimaadka.
Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , Napoli ayaa kaliya sugaya warka fiisihiisa ka hor inta aysan ku dhawaaqin saxiixa.
Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in United ay heli doonto £500,000 oo amaah ah iyo 500,000 oo dheeri ah oo gunno ah heshiiskan.
Be the first to comment