Rasmi:- Daafaca Arsenal Holding oo saxiixay heshiis cusub oo gaaraya ilaa 2024

Daafacii hore ee Bolton ayaa lagu abaalmariyay heshiis cusub ka dib markii uu boos ka helay kooxda koowaad xilli ciyaareedkan.

Daafaca Arsenal Rob Holding ayaa qandaraas cusub oo waqti dheer ah u saxiixay kooxda ka dhisan garoonka Emirates.

25 jirkaan ayaa qalinka dul dhigay heshiis seddex sano iyo bar ah illaa iyo xagaaga 2024, iyadoo ikhtiyaar u ah sanad dheeri ah.

Daafacii hore ee Bolton ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhawaaday inuu amaah uga tago kooxda laakiin waxa uu ka mid noqday kooxda ​​ugu horeysay ee Gunners ee uu hogaaminayo Mikel Arteta xilli ciyaareedkan, isagoo saftay kulan ka badan marka loo eego daafacyada kale ee ilaa iyo haatan HoryaalkaPremierLeague.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*