Home Horyaalka Ingiriiska Rasmi: Ozil oo u safray Turkiga si uu u soo gabagabeeyo heshiiska...

Rasmi: Ozil oo u safray Turkiga si uu u soo gabagabeeyo heshiiska Fenerbahce

0

Mesut Ozil ayaa ku sii jeeda  dalka Turkiga  si uu u dhamaystiro heshiiska xorta ah ee uu ugu  biirayo kooxda Fenerbahce .

32 jirkaan ayaa macsalaameeyay asxaabtiisa Arsenal iyo shaqaalaha xarunta tababarka kooxda ee London Colney Axadii, taasoo soo afjartay 7 sano iyo bar uu ku sugnaa waqooyiga London.

Arsenal ayaa u fasaxday inuu u safro Istanbul halkaas oo uu haatan tijaabada caafimaadka ku mari doono ka hor inta uusan dhameystirin u wareejinta Fenerbahce, oo ah kooxdii uu ku soo barbaaray inuu taageero.

Ozil ayaana mudo sanad ku dhow u ciyaarin kooxda Arsenal iyadoo aysan jirin sabab kubad xumo oo lagu heesto xidigan oo jiray waqti feecan marka la eego kooxda.

Labada Kooxdood ee DC United iyo Fenerbahce ayaa ku tartamayay lakin ugu danbeyn waxa uu doortay kooxda dalka uu asal ahaan kasoo jeedo.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here