Ibrahim Sangare ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda PSV Eindhoven inkastoo lala xiriirinayo kooxda Manchester United .
24-sano jirkaan ayaa bartilmaameed u ahaa kooxo badan oo Premier League ah, oo ay ku jiraan United oo dooneysay inay ku soo kordhiso khadkeeda dhexe ka dib bixitaankii Nemanja Matic iyo Paul Pogba .
West Ham ayaa sidoo kale la dhacsan Sangare, waxaana ay ku fikirayeen inay u dhaqaaqaan, iyadoo bartilmaameedkoodii hore ee khadka dhexe Amadou Onana uu ku dhawaaday inuu u dhaqaaqo Everton.
Si kastaba ha ahaatee, Sangare ayaa soo afjaray hadal heynta la xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League ka dib markii uu qandaraas cusub u saxiixay PSV ilaa 2027.
Sangare oo ka hadlaya heshiiskiisa cusub ayaa yidhi: “Waxa aan dareemayay guriga tan iyo maalintii ugu horaysay, sida la ii qaabilay iyo sida ay dadku iila dhaqmaan aad ayay ii farxad galiyaan.
“Waxaan doonayaa inaan horyaalka kula guuleysto PSV oo aan gaaro UEFA Champions League”.
Laacibka reer Ivory Coast ayaa la filayaa inuu u safto PSV lugta labaad ee isreebreebka Champions League ee wareega seddexaad ee ay la ciyaarayaan Monaco Talaadada.