Home Horyaalka England Rasmus Hojlund oo Farta laga Saaray Numberka- 9aad ee Manchester United

Rasmus Hojlund oo Farta laga Saaray Numberka- 9aad ee Manchester United

0
Weeraryahanka Manchester United Rasmus Hojlund ayaa qaatay funaanadda No9 ee kooxda

xidiga Denmark ayaa lambarkan ka dhaxlaya Anthony Martial ka dib bixitaankiisii ​​xagaagan.

Saxiixa cusub ee Joshua Zirkzee ayaa la filayay inuu qaato lambarka, laakiin Arbacadii ayaa la xaqiijiyay in Hojlund uu yahay No9-ka cusub ee United .

Taa beddelkeeda, Xidiga reer Holland ayaa qaatay funaanaddii hore ee Hojlund ee No11.

Hojlund, oo 21 jir ah, ayaa ka soo dhalaalay wareega group-yada Champions League isagoo shan gool dhaliyay.

Horyaalka Premier League, waxa uu noqday ciyaaryahankii abid ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya lix kulan oo isku xigta oo Premier League ah. Waxa uu ku dhamaaday xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay isagoo dhaliyay 16 gool tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here