Home Horyaalka England Rasmus Hojlund oo la siiyay number Cusub

Rasmus Hojlund oo la siiyay number Cusub

0

Rasmus Hojlund ayaa bilaaban doona xilli ciyaareedka 2024/25 isaga oo xidhan nambar cusub oo uu ku sidan doona dhabarka.

Xiddiga da’da yari waxa uu xidhna lamabrka 11aad ololahiisa curdanka ahaa.

Laakiin ka dib bixitaankii Anthony Martial, oo ahaa kii ugu dambeeyay ee haystay lambarka 9-aad, Rasmus ayaa ogolaaday in uu u wareego lambarka 9aad ee kooxda.

Rasmus nambarkiisa cusub, waa mid boos taariikhi ah kaga jira taariikhda Manchester United sababtoo ah magacyo waaweyn oo ayaa soo xidhtay.

Ciyaaryahankii loogu jecla ee soo xidhtay funaanadda lambarka 9aad waa ku guuleystaha seddexleyda koob ee Andy Cole, kaasoo dhaliyay 121 gool intii u dhaxeysay 1995 iyo 2001.

Louis Saha iyo Dimitar Berbatov ayaa sidoo kale xirtay funaanadda xilli ay kooxda ay ka caawiyeen ku guuleysiga horyaalka Premier League xilligii dahabiga ahaa ee Sir Alex Ferguson.

Sanadihii ugu dambeeyay, magacyo waa weyn ayaa soo xirtat sida Radamel Falcao, Zlatan Ibrahimovic iyo Romelu Lukaku.

Hojlund ayaa dhaliyay 16 gool xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee United, ka dib markii uu kaga soo biiray kooxda Serie A ee Atalanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here