Rayo Vallecano 1-0 Barcelona, Barca oo laga badiyay, Iyo Real Madrid oo Bar-baro lagu qabtay

Barcelona ayaa mar kale la kulantay guul-daro kulan ka tirsan Horyaalka La Liga oo marti u aheyd kooxda Rayo Vallecano.

Radamel Falcao ayaa ka caawiyay kooxda Rayo guusha kulankan iyadoo Memphis Depay uu fursad dahabi ah uu ka khasaariyay kadib rigoore loo dhigay.

Sharaxaada Ciyaarta.

Gool uu qaybtii hore ka dhaliyey Ramadel Falcao ayaa Barcelona sabab ugu noqday guul-darradan oo soo dedejinaysa in shaqada laga caydhiyo tababare Ronald Koeman oo horeba halis ugu jiray.

Memphis Depay ayaa rikoodhe ka khasaariyey Barcelona daqiiqaddii 72aad, halka Sergio Aguero iyo Sergino Dest ay goolka la hor tageen kubbado caddaan ah oo ay jamaahiirtu u qaateen inay goolal noqonayaan laakiin ay dhalin waayeen.

Natiijadan ayaa waxay ka dhigantay in Rayo Valecano ay soo gashay kaalinta afraad ee horyaalka LaLiga iyadoo min hal dhibic ka dambaysa Real Madrid iyo Sevilla, isla markaana laba dhibcood ka dambaysa Real Sociedad oo hoggaanka haysa.

Barcelona ayaa  iyaduna u dhacday kaalinta sagaalaad ee horyaalka waxaanay toddoba dhibcood ka dambaysaa kooxda hoggaanka haysa iyadoo hoos uga sii degi karta booskaas marka ay soo dhamadaan kulamada kale ee caawa iyo habeen dambe dhacaya.

Sagaal ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah oo ay Barcelona ciyaartay ayaa waxay kaliya guuleysatay afar ka mid ah, waxaana laga badiyey saddex ciyaaarood oo ahaa kulamadii Atletico Madrid, Real Madrid iyo Rayo Valecano halka ay barbarro la galeen Cadiz iyo Granada.

Shaxda Ciyaarta lagu soo bilaabay

Vallecano XI: Ó. Trejo, Falcao, S. Dimitrievski, Balliu, E. Saveljich, Álvaro García, Óscar Valentín, Isi Palazón, Santi Comesaña, Fran García, Catena

Subs: Mario Suárez, Bebé, Sergi Guardiola, José Pozo, Rodrigues, Unai López, N. Maraš, L. Zidane, P. Ciss, Andrés Martín, Mario Hernández, R. Nteka

Barcelona XI: Aguero, Pique, Alba, Busquets, Coutinho, Ter Stegen, Roberto, Depay, Eric Garcia, Dest, Nico González

Subs: Luuk de Jong, Neto, Umtiti, Lenglet, Pena, Riqui Puig, Óscar Mingueza, Y. Demir, Álex Baldé, Gavi.

Dhanka Kale Kooxda Real Madrid ayaa Bar-baro goolal La’an Kala kulantay kooxda Osasuna iyadoo dhibic ay ka heshay ku qabatay Hogaanka Horyaalka waxayna 21 Dhibcood la wadaagtaa Sevilla oo Kaalinta labaad ku jirta iyadoo leh 21.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*