RB Leipzig 2-1 Manchester City: Szoboszlai iyo Silva oo Garaacay wiilasha Guardiola

Dominik Szoboszlai iyo Andre Silva ayaa labada gool ka kala dhaliyay Manchester City oo guuldarro 2-1 ah ka soo gaartay kooxda RB Leipzig ee Champions League.

Hogaamiyeyaasha Premier League City ayaa booqday Red Bull Arena 14-kulan oo isku xigta oo aan laga badin kooxaha Jarmalka tartanka, oo ay ku jirto 6-3 ay ku badiyeen gurigooda kulankii lugtii hore, laakiin Szoboszlai ayaa jabiyay ismari waaga ciyaarta 24 daqiiqo ka dib qeybta hore ayaa lagu kala nastay goolkaasi.

Qeybta labaad Leipzig ayaa heshay goolkii labaad ee ciyaarta markii Silva uu gool u bedelay kubad banaanka loo soo dhigay oo ka timid Emil Forsberg Daqiiqadii 71aad ee Ciyaartaka hor inta uusan Riyad Mahrez gool Madax ah u dhalin kooxda martida aheyd guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 2-1.

Kyle Walker, ayaa Casaan ka qaatay kooxda Man City inkastoo kooxdiisu ay hore u xaqiijisatay kaalinta koowaad ee Group A,

natiijadan – marka lagu daro guuldaradii Club Brugge ee Paris Saint-Germain – Leipzig ayaa soo gashay kaalinta seddexaad iyo Europa League.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*